VIDEO:- Dowladda oo Soo Bandhigtay Magacyada Dadka Ka Been abuurta Madaxda Dowladda

VIDEO:- Dowladda oo Soo Bandhigtay Magacyada Dadka Ka Been abuurta Madaxda Dowladda

daajis.com:- War ay soo saartay Wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegey in Wasaaradda ay ogaatey shakhsiyaad iyo hay’ado maxali ah oo ku shaqeysta burcadnimo.

Baaritaano ay Wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliya sameysay ayaa waxaa lagu ogaaday jiritaanka labo kooxood oo ka shaqeysta:

1- Been abuurka E-mailada magacyo masuuliyiinta dowladda ka tirsan lagu sameeystay islamarkaana lagula xirriiray meelo badan.

2- Kooxda labaad waa NGO-yo markasta ku qaraabta kana been sheega waxa loo yaqaan Kufsiga oo inta ay Hay’ado shisheeye lacago uga raadsadaan.

Kooxdaan oo in muddo ah hay’adaha Amniga dalka ay ku daba jireen ayaa waxaa lagu soo oggaaday Kooxda 1-aad (Black mailing ka) oo caadeysatay sameysashada Emailo been abuur ah oo ay ku qortaan magacyada masuuliyiinta dowladda iyagoona xirriiro caalami ah iyo kuwo maxali ahba la sameeyay meelo badan, dhanka kalana si been abuur ah u sameeystay baraha bulshada ay ku kulmaan magacyo iyo sawiro been abuur ah oo masuuliyiin sare sare oo dowladda ka tirsan ay ka been abuurteen.

Halkaan ka Daawo



Waxaana ka mida masuuliyiinta ay been abuurka ka sameeyeen Gudodomiyaha Barlamaanka dalka mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ay ka sameeyeen cinwaan Twitter been abuur ah oo magaciisa iyo sawiradiisaba ay ku abuureen, sidoo kale Wasiirka Warfaafinta xukumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayeey ka sameeyeen cinwaano bartaha Bulshada wadaagto oo been abuur ah, iyo Wasiiro kale.

Sidoo kale masuuliyiinta hay’adaha Amniga dalka ayeey ka been abuureen iyaga oo sameyey ciwaano iyo baro bulsho been abuur ah, islamarkaana ku aflagaadeeyey qaar ka mid ah maamulada dalka ka jira iyo dowladaha dariska ah iyaga oo uu ujeedkoodu yahay iney fidno ka dhex abuuraan shacabka iyo maamulada dalka kajira iyo qaar ka mida dalalka aan dariska nahay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada