daajis.com:- Wargeysyada dalka Kenya ayaa saakay daabacay in rag Al-shabaab looga shakisanyahay ay Haweeneey iyo Nin ku dileen gudaha magaalada Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya.
Samuel Mukinda, oo ah madaxa Booliska Wajeer, ayaa sheegay in rag al-shabaab looga shakisanyahay ay gudaha Wajeer si kala gooni ah ugu dileen Haweeneey iyo Nin shacab ah.
Samuel Mukinda, ayaa sidoo kale sheegay in ruux 3aad oo ay dhaawaceen kuwa dilka geystay uu haatan yaalo Isbitaal.
“Majiraan dad aan usoo qabanay dilalkaas, laakiin goob joogayaal ayaa noo sheegay in kuwa dilka geystay ay rasaas farabadan fureen kadibna goobta isaga baxsadeen” ayuu yiri Samuel Mukinda.
Dagaalyahanada Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya, ayaa weeraro dhowr ah oo dhiig badan ku daatay ka geystay gudaha dalka Kenya.
Laba maalin kahor ayay ahayd markii ay ciidamada amaanka Garrisa gacanta ku dhigeen 3 nin iyo Hubkooda kuwaasoo looga shakisanyahay ineey katirsanaayeen ururka Al-shabaab.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:30 and have
, Published at