daajis.com:- Dagaalyahano katirsan Kooxda Daalibaan ayaa goordhaw Weerar Ismiidaamin iyo mid toos ah waxa ay ku qaadeen Xarunta Baarlamaanka Dalka Afgaanistaan , waxaana xiliga la weeraray Xarunta Baarlamaanka halkaasi ku shirsanaa Xildhibaanada Afgaanistaan.
Gaari Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ugu horey lagu weeraray afaafka hore ee Xarunta Baarlamaanka Afgaanistaan, waxaana xiligaa kadib dhismaha ku yaacay Dagaalyahano hubeesan iyadoona ilaa xiligan la maqlayo rasaas iyo Qaraxyo.
Uuro iyo Qiiq ayaa ka baxaysa dhismaha Xarunta Baarlamaanka Dalka Afgaanistaan, waxaa sidoo kale la arkayaa gawaari ku gubaneysa afaafka hore ee Xarunta Baarlamaanka, waxaana halkaasi gaaray ciidamada gaarka ah ee Dowlada Afgaanistaan.
Weerarka lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka Afgaanistaan ayaa dhacay xili uu halkaasi ku sugnaa Wasiirka Cusub ee Gaashaandhiga Dalkaasi oo maanta loo balansanaa in Baarlamaanka uu hortago ayna meelmariyaan.
Xaalada ayaa ah wali mid qasan waxaa jira qasaarooyin dhimasho iyo mid dhaawac oo weerarka ka dhashay , waxaana Warar soo baxaya sheegayaan in Xildhibanao katirsan Baarlamaanka ay ku dhaaacmeen Weerarka loona qaaday Isbitaalka.
Kooxda Daalibana ayaa iyadu sheegatay Masuuliyada weerarka Gordhaw lagu qaaday xarunta Baarlamaanka Dalka Afgaanistaan, waxaana wali xarunta Baarlamaanka laga maqlayaa rasaas iyo qaraxyo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:37 and have
, Published at