Wasiirka Gaashaandhigga oo Maanta Dalka dib ugu soo laabtay (Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhigga oo Maanta Dalka dib ugu soo laabtay (Sawirro)

daajis.com:- Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib socdaal shaqo oo uu ku tagay dalka Mareykanka.

Wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdallah Xuseen Cali iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga, Waxana uu Wasiirku ka warbixiyay safarkii uu ku gaaray dalka Mareykanka iyo waxyaabihii usoo qabsoomay.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay mudadii ay ku sugnaayeen dalka Mareykanka isaga iyo wafdigii uu Hoggaaminayay R/Wasaare Cumar C/rashiid, ay kala xaajoodeen madaxda sare ee dalkaasi Mareykanka arrimo muhiim oo kamid yihiin dib u dhiska Ciidamadda Xooga Dalka.

Wuxuuna yiri “Dowlada Maraykanku waxay ka mid ahayd dalalkii dadka Soomaalida usoo gurmaday waqtigii lagu jiray dagaalada sokeeye iyo hadda oo dagaal caalami ah lagula jiro kooxo argagixiso ah, waxaan la kulanay madax uu kamid yahay ku xigeenka Xog-yahaya difaaca Mareykanka oo nagu qaabilay xarunta Pentagonka, waxayna naga balan qaadeen inay ka qaadan doonaan dib u dhiska ciidamadda Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada