daajis.com:- Diyaaradaan, ayaa xalay duqeymo xoogan ka fulisay halka loo yaqaano Kormaray oo ka tirsan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaana la soo sheegayaa in duqeymahaasi lala beegsaday guri uu ku sugnaa Sarkaal Ururka Al Shabaab ka tirsan.
Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Xaaji Aadan, balse Ururka dhexdiisa looga yeero (Daa’uud), ayaan faah faahin laga hayn in duqeymahaasi uu ku dhintay iyo in kalaba.
Wararka laga helaayo Degmada Baardheere, ayaa sheegaaya in Xoogaga Ururka Al Shabaab ay isku gadaameen halka ay duqeymuhu ka dhaceen, iyagoona dadka u diiday inay ka soo ag-dhawaadaan, waxayna xireen wadooyinka ku dhow dhow guriga la bartilmaameydsaday.
Daa’uud, ayaa waxay wararka sheegayaan in billo ka hor loo magacaabay Madaxa Amniyaadka Ururka Al Shabaab, inkastoo ay adag tahay in la helo warar madax bannaan oo xaqiijin kara.
Bishii December, ayaa duqeymo dhinaca cirka ah waxaa lagu dilay C/shakuur Tahliil, oo ahaa Madaxii hore ee Ciidamada Amniyaadka Al Shabaab. Duqeymahaasi waxay ka dhaceen duleedka Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:57 and have
, Published at