daajis.com:- Dadweyne Careesan ayaa gacanta ula tagay si xuna u garaacay askari katirsan Ciidanka booliiska Dalka Hindiga oo fal anshax daro ah kula dhaqaaqay gabar Tareen ka raaceysay Saldhig ku yaala gobolka Uttar Pradesh ee Dalka Hindiya.
Waxaa lasoo duubay Muuqaal ku aadan askariga oo gacanta ay ula tageen dad ka carooday falka anshax darada ah uu sameeyay, waxaana askariga ku adkaatay in dadkaasi uu iska dhiciyo , waxaana goobta askariga lagu garaacayay ku sugnaa Ciidamo booliis ah.
Askariga falka anshax darada ku dhaqaaqay gacantana ay ula tageen dadka careesan ayaa kamid ahaa ilaada Tareenka u kala goosha Magaalooyinka Sohranbur iyo Delhi, waxaana dalka Hindiya ku badan raga ku dhaqaaqa falalka dumarka lagu dhibaateeyo sida kufsiga oo kale.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:11 and have
, Published at