daajis.com:- Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cumar Hadliye oo ku sugan halka uu ka socdo shir madaxeedka wadamada ku bahoobay Ururka Midowga Afrika ayaa ka warbixiyay qaabka iyo ajandaha shirka 25-aad ee Midowga Afrika. Wasiirka ayaa sheegay in Shirkaani ajandihiisa ugu weyn uu yahay sidii wax looga qaban lahaa xaalada nololeed iyo horumarineed ee Haweenka Afrika loogana qeyb galin lahaa doorka siyaasadeed ee qaarada Afrika ka jira.
Wasiir Hadliye oo warbixintiisa ku aadan shirkaan sii wata ayaa sheegay ka Dowlad Soomaali ahaan inay la kulmi doonaan wadamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya, sidoo kalana ay la kulmi doonaan wadamada ay danaha siyaasadeed ka leeyihiin, wuxuuna intaa raaciyay in madaxweynuhu uu imaan doono maalinimada Sabtida ah uuna kulama gaar gaar ah la yeelan doono madaxda kala duwan ee Afrika ka socota ee shirkaan ka qeyb galaya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cumar Hadliye oo aan wax ka weydiiyay qaabka ay uwajahayaan ka dowlad Soomaali ahaan dhibaatooyinka ay Soomaalidu kala kulmaan wadankaani Koonfur Afrika ee shirka lagu qabtaay ayaa sheegay inaysan marnaba udulqaadan doonin in la dhibaateeyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika, arrintaasna ay kala hadli doonaan cida ay quseyso, isagoo intaa raaciyay in bulshada Soomaaliyeed aysan halkaan u imaan inay fursadaha Koonfur Afrikaanka qaataan balse ay u yimaadeen inay maalgashtaan kuna noolaadaan, balse dowlada iyo Shacabka Koonfur Afrika laga rabo inay cadeeyaan qaabka loola noolaanayo loona maalgashanayo ee aysan aheyn inay dil iyo boob ku sameeyaan dadkeena.
Shirkaan 25-aad ee Midowga Afrika ee lagu qabtay Koonfur Afrika ayaa kusoo aadaya xili dowlada badan oo Afrikaan ah ay ka xumaadeen dhibaatooyinkii ay dadka Koonfur Afrikaanka ah gaarsiiyeen wallaalahooda Afrikaanka ah ee nolosha iyo maalgashiga uyimid wadankaani, iyadoo ay madaxda Koonfur Afrika arrintaas raaligalin ka bixiyeen una sheegeen wadamada kale ee wallaalahooda Afrikanka ah inaysan soo noqnoqon doonin arrintaan.
E-mail: istiile@hotmail.com
Pretoria, South Africa
unnamed
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:30 and have
, Published at