AKHRISO Go,aamada Ka Soo Baxay Doodii Baarlamaanka Puntland Ka Yeeshay Arimaha Federalka Iyo Dastuurka

AKHRISO Go,aamada Ka Soo Baxay Doodii Baarlamaanka Puntland Ka Yeeshay Arimaha Federalka Iyo Dastuurka

daajis.com:- Barlamaanka Dowladda oo maalmahaan kalfadhigooda 35-aad uga doodayey xadgudubk dowlaada federalka ay ku samaysan dastuurka ayaa baarlamaanka waxaa uu ka soo saaray Go,aamo ka koobnaa shan qodob waxaana ay u qornaayeen sidan.

Baarlamaanka Dowladda Puntland dood iyo falanqayn dheer kadib waxay go,aan ka soo saareen qodobada hoos ku qoran:-

1- Baarlamaanka dowladda Puntland wuxuu go,aan ku gaaray in dastuurka 6-da saxiix leh iyo xoghayaha guud ee QM oo maqraati ka ahaa uu yahay dastuurka rasmiga ahaa wax kasta oo laga badalayna aysan sharci ahayn.

2- Baarlamaanka Dowladda Puntland wuxuu go,aan ku gaaray in xeerarka baarlamaanka federalku ansixiyey ee aan laga tashan dowlada Puntland insan sharci ahayn xeerarkaasi kana shaqayn karin dhulka Puntland iyadoo loo raacayo qodobka 111 ee dastuurka .

3- Baarlamaanka Puntland wuxuu go,aan ku gaaray inaysan sharci ahayn sadexda Guddi ee soo socda:-

A-Gudiga dib u eegista dastuurka dowladda federalka.

B-Gudiga Doorashooyinka.

C-Gudiga Xuduudaha iyo Arimaha Federalka.

4- Baarlamaanka Dowladda Puntland wuxuu Go,aan ku gaaray in dhismaha dowlad Gobaleed aan waafaqsanayn dastuurka federalka qodobka 50-aad farqadiisa lixaad oo ah labo gobalka iyo wixii ka badan aysan Puntland aqoon sanayn.

5- Baarlamaanka Dowladda Puntland wuxuu dib u eegis ku samaynayaa kalfadhiga bisha october hadii dowladda federalka ku adkaysato wax ka badalka dastuurka iyo hishiisyada la galay Baarlamaanka Dowladda Puntland wuxuu go,aan ka gaari doonaa sii wada shaqaynta dowladda federalka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada