daajis.com:- Duqeyn ay fuliyeen Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Dalka Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay Hogaamiyihii Kooxda Daacish ugu magacawnaa Dalalka Afgaanistaan iyo Pakistaan Hafiz Saeed Khan.
Duqeynta ayaa ka dhacday maalinimadii Jimcaha Gobolka Nangarharee Bariga Afghanistan, waxaana Duqeynta lagu dilay Hogaamiyaha Kooxda Daacish iyo sodon kamid ah Dagaalyahanada Kooxdaasi sida uu sheegay Sargaal katirsan Sirdoonka Afgaanistaan oo lagu magacaabo Abdul Hassib Sediqi.
Diyaaradaha aan Duuliyaha laheyn ee dalka Mareykanka ayaa fuliyay Duqeynta lagu dilay Hogaamiyaha Daacish ee Dalalka Afgaanistana iyo Pakistaan, Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in Duqeynta ka dambeysay balse ma xaqiijin geerida Hogaamiyahan.
Duqeyn Diyaaradeed ayaa sidoo kale Maalinimadii Talaada ee lasoo dhaafay waxaa lagu dilay Hoaamiyaal kale oo katirsanaa Kooxda Daacish faraceeda Afgaanistaan uu ku jiro Afhayeenkii hore ee Daalibaan Shahidullah Shahid hadana kamid noqday Kooxda Daacish.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:30 and have
, Published at