Beled-xaawo: Diyaaradaha dagaalka Kenya oo xasuuqay dad reer miyi ah

Beled-xaawo: Diyaaradaha dagaalka Kenya oo xasuuqay dad reer miyi ah

daajis.com:- Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa maanta duqeymo ka geysteen deegaanka Laan Quruc ee duleedka degmada Balad-xaawo, halkaasi oo ay ku dhaqnaayeen dad reer miyi ah.

In ka badan 10 qof oo rayid ah, kuna jireen caruur dugsileey ah ayaa ku dhintay duqeymahaasi ay geysteen diyaaraddaha dagaalka Kenya.

Mid ka mid ah Nabadoonada Baladxaawo oo lagu magacaabo Nabadoon Idiris Aadan Nuur ayaa u sheegay warbaahinta in diyaaradaha dagaalka Kenya ay laayeen dad rayid ah oo reer miyi ahaa.

Dadka ku dhintay duqeymaha ayaa waxaa ku jiray caruur dugsiley aheyd iyo haween, sida uu xaqiijiyay nabadoonka

Duqeymahaan ayey Kenya dooneysay in ay la beegsadaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan deegaanadaasi ee ka dagaalama gobolka Waqooyi Bari Kenya.


Dowladda Federaalka Somalia ayaa mararka ay sidaan oo kale diyaaradaha dagaalka Kenya xasuuqaan dad rayid ah, u raacan dambi iyo in ay ka hadasho xasuuqa loo geystay dadka ay madasho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada