Daawo Sawirada Mid kamid ah Raga ugu halista badan Dunida oo ka baxsaday Xabsi aad loo ilaaliyo uu kuyaala Mexico

Daawo Sawirada Mid kamid ah Raga ugu halista badan Dunida oo ka baxsaday Xabsi aad loo ilaaliyo uu kuyaala Mexico

daajis.com:- Mid kamid ah raga ugu halista badan Dunida Hogaamiyana u ah koox kana ganacsada Daroogada ayaa mar kale ka baxsaday xabsi aad oo ilaaliyo oo kuyaala dalka Mexico, waxaana socda baadi goob xoogan oo loogu jiro soo qabashada ninkaasi.

Guddiga amniga dalka Mexico ayaa bayaan uu soo saaray maanta ku sheegay in Joaquin ( El Chapo Guzman ) oo madax u ah Sinaloa cartel oo ah koox awood badan oo daroogadda ka ganacsata uu baxsaday, kaasoo markii igu dambaysay ee lagu arko ay ahayd xilli uu ku maydhanayey gudaha xasbiga Altiplano ee dalka Mexico. 

Ciidanka amniga ayaa billaabay raadinta Hogaamiyahaasi halista badan ee baxsaday, iyadoo la joojiyey dhammaan duulitaankii Garoonka Diyaaradaha magaalada Toluca oo u dhow halka uu ku yaalla xasbiga.

Guzman ayaa gacanta lagu soo bishii February ee sanadkii hore kaasoo muddo 10 sano ah dhuumaalaysi ku jiray, isagoo horay loo soo xiray sanadkii 1993-dii balse xabsiga ka baxsaday sanadkii 2001-dii, kaddib markii uu gacan ka helay ilaaladii xabsiga uu ku jiray xilligaasi. 

Mareykanka ayaa sidoo kale in muddo ah ninkan raadineyey maadaama kooxda uu madaxa u yahay ee Sinaloa cartel ay daroogo badan soo geliso dalka Mareykanka, taasoo laga soo gudbiyo xuduudka uu Mareykanka la wadaago Mexico.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada