daajis.com:- Ka dib dagaal xoogan oo saakay ka qarxay Degmada Raage Ceele ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxaa Ururka Al Shabaab u suurta gashay inay la wareegan gacan ku haynta Degmadaasi.
Dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, ayaa weerar ballaaran ku soo qaaday Degmadaasi, abaarihii 5:30 subaxnimo ee saakay, iyagoona weerarka ka soo qaaday dhinaca Waqooyi ee Degmada Raage Ceele.
Ciidamada Dowladda, ayaa dhinaca Koonfureed kaga baxay Degmada, waxayna gaareen fariisimaha Ciidamada Amisom ku lee yihiin duleedka Degmadaasi. Amisom wax fariisimo ah kuma lahan gudaha Degmada.
Al-Shabaab-members-in-Som-007Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Cali C/laahi Xuseen (Guudlaawe), ayaa qiray in Shabaabku dagaal culus ku soo qaadeen Degmada Raage Ceele, balse wuxuu beeniyay inay la wareegen.
Shacabka ku dhaqan Degmadaasi, ayaa waxay xaqiijiyen in dagaal-yahanada Al Shabaab ay si buuxdo gacanta ugu dhigeen bartamaha Raage Ceele, markii ay kala wareegen Ciidamada Dowladda.
Ciidanka Dowladda iyo Amisom, ayaa muddo 10 bilood ka hor waxay si rasmi ah ula wareegen gacan ku haynta Degmadaasi, markii ay isaga baxeen dagaal-yahanada Al Shabaab.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:38 and have
, Published at