daajis.com:- Dowladda Somaliya, ayaa waxay maanta gudbin doontaa dacwadda xagga murunka badda la xiriira ee ka dhanka ah Dowladda Kenya, waxayna u gudbinaysaa Maxkamadda Cadaaladda Qaramada Midoobe (The United National International Court of Justice “ICJ”).
Dacwadan, ayaa waxaa gudbin doono Xeer Ilaaliyaha Guud Somaliya, Axmed Cali Daahir oo gaaray Magaalada The Hague, si uu Maxkamadda ugu gacangeliyo ashtakada ka dhanka ah Xukuumadda Nairobi.
somaaliyaMaxkamadda, ayaa bisha March ee sanadka 2016-ka u fariisan doonto dhageysiga murunka u dhaxeeya labada dal, si loogu kala baxo waxa sharciga uu ka qabo, murunkaasi.
Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, ayaa toddobaadkii hore sheegay in Kenya fara-gelin ku soo samaysay badda Somaliya, laguna qancin waayay xuduudaha xeerka caalamiga ah.
Wasiirka, ayaa sheegay in xalku uu yahay iyadoo lagu kala baxo Maxkamadda Cadaaladda Qaramada Midoobe, isagoo meesha ka saaray in uu jiro xal kale oo labada dal, ay ku kala bixi karaan.
Kenya, ayaa sanadkii 2005-tii sheegatay qaybo ka mid ah badda Somaliya, iyadoo markaasi qiil ka dhiganaysa in si khaldan loo sameeyay xuduuda badda ee la lee yahay Somaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:43 and have
, Published at