Ciidamada Ethiopia oo faarujiyay Magaalada Cadaado & Cabsi taagan

Ciidamada Ethiopia oo faarujiyay Magaalada Cadaado & Cabsi taagan

daajis.com:- Ciidamada Ethiopia ayaa lagu soo waramayaa ineey gabi ahaanba isaga baxeen magaalada Cadaado oo haatan xaruun KMG u ah maamulka Galmudug.

Ciidamada Ethiopia oo awal u yimid magaalada ineey sugaan amaanka shirka maamul u samaynta G/dhexe, ayaa la sheegay ineey xalay ilaa saakay isaga baxayeen magaalada.

Bixitaanka Ciidamada Ethiopia ayaa waxay ka tarjumeysaa sida ay hagardaamada ugu haayaan shacabka G/dhexe.

Ciidamada Ethiopia ayaa ujeedkooda awal waxa uu ahaa in la doorto Axmed C/salaan oo saaxiib dhow la ah Xukuumada Addis, balse markii uu taas ku fashilmay ayay Ethiopia bilaawday ineey isaga baxdo Cadaado.

Dhinaca kale ciidamada Ahlusuna ayaa lagu soo waramayaa ineey bilaabeen dhaq dhaqaaq ciidan oo ay doonayaan ineey ku qabsadaan magaalada Cadaado oo hada xaruun KMG ah u ah maamulka Galmudug.

Maamulka Puntland iyo Ethiopia ayaa si wadajir ah uga soo horjeeda maamulka loo dhisay G/dhexe ee Galmudug, waxayna dabada ka riixayaan Ahlusuna oo iyadu ku kacsan DF.

Dhinaca kale M/weynaha Cusub ee maamulka Galmudug C/kariin Guuleed, ayaa haatan ku sugan magaalada Muqdisho, halkaasoo la tashiyo wadahadal uu kula leeyahay Madaxda DF iyo Odoyaasha dhaqanka G/dhexe.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada