Ururuka Al Shabaab oo Xalay Weeraro ku qaaday Degmooyinka Jalalaqsi iyo Mahadaay

Ururuka Al Shabaab oo Xalay Weeraro ku qaaday Degmooyinka Jalalaqsi iyo Mahadaay

daajis.com:Ururka Xagjirka ah ee Al Shabaab ayaa waxay xalay weeraro Qorshaysan ku qaaday Degmooyinka Jalalaqsi iyo Mahadaay iyagoo isku dayeya inay la wareegaan degmooyinkaasi.

Al Shabaab ayaa waxay weerarkii koowaad ku qaadeen Degmada Jalalaqsi, wuxuuna dagaalka ka bilaawday gudaha Suuqa Degmada Jalalaqsi, ka dib markii ay si dhuumaaleysi ah u soo galeen mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Ciidanka Xooga Dalka oo gacan ka helaaya Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay dib Degmadaasi kaga saareen Shabaabkii soo weeraray, Waxaana jira warar sheegaaya inay horey u sii qaateen meydadkoodii iyo dhaawacyo farabadan.

Dagaalkii labaad ayay kooxda Shabaab saqdii dhexe ee xalay sidoo kale weerar kulul ku galeen Degmada Mahadaay, dagaalka wuxuu xoogiisu ka dhacay gudaha Degmadaasi, kadib markii ay ciidamadii Shabaabka ka soo gudbeen daafacyada hore ee Ciidamada Dowladda.


Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ayaa iska caabin xoog badan kala hortagay Ciidamadii weerarka soo qaaday, waxayna saacad ka dib dib ugu riixeen Banaanka Degmeda Mahadaay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada