daajis.com:- Ciyaaryahanka Caanka ah ee Xulka Qaranka Togo iyo Kooxda Tottenham Emmanuel Adebayor ayaa la sheegay in uu qaatay Diinta Islaamka, waxaana lasoo bandhigay Muuqaal mujinaya Ciyaaryahanka oo shahaadada loo qabanayo.
Muuqaal lagu baahiyay Baraha Intetnetka ayaa muujinaya Ciyaaryahanka oo ku sugan goob xaflad ah ay isugu yimaadeen dad badan oo Muslimiin ah, waxaana xiligaa kadib Emmanuel Adebayor loo qabtay shahaadada.
Ciyaaryahanka oo xirnaa qamiis ayaa dhoolacadeeyay markii uu soo islaamay Shahaadadana loo qabtay, waxaana hareerihiisa fadhiyay asxaab badan oo ku faraxsanaa in uu diinta Islaamka ah qaato, waxaana mar qura dadkii ay ku wada dhawaaqeen Takbiirta.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:00 and have
, Published at