Daawo Muuqaal:- Shil Baabuur oo Naxdin Badan oo ka Dhacay Dalka Canada iyo Taksiile Soomaali ah oo ku geeriyooday Shilkaas!!

Daawo Muuqaal:- Shil Baabuur oo Naxdin Badan oo ka Dhacay Dalka Canada iyo Taksiile Soomaali ah oo ku geeriyooday Shilkaas!!

daajis.com:-  Taksiile Soomaali ah ayaa waxaa la sheegay inuu ku geeriyooday magaalada Victoria ee dalka Canada ka dib markii uu shil lagalay tasigiisa oo uu kula dhacay baale iyadoona uu sidoo kale uu shilkaas uu dhaawac culus uu ka soo gaarey qaar ka mid ahaa rakaabkii saarnaa taksigiisa.

Tagsiilahaan Sommaliga ah oo lagu magacaabi jirey Maxamed Shariif Cabdi (AU) oo 44 sani jir ahaa ayaa waxaa la sheegay inuu tagsigiisa sabab aan wali la aqoon uu ku dhacay mid ka mid ah baalayaasha wadada dhinaceeda ku yaala iyadoona uu tagsiilahaas Soomaalieed uu isla goobtaas ku geeriyooday, Sidoo kale ayaa laba ka mid ahaa rakaabka uu waday Tagsiilahaas Soomaaliyeed uu halkaas ka soo gaarey dhaawac culus halka midka sadaxaad oo la sheegay inuu u xirnaa suunka kursiga uu asagu uu qabo dhaawac aan sidaas u sii weyneyn. 



Ugu dambeyntiina iyadoo Tagsiilahaas Soomaaliyeed uu ku geeriyooday shilkaas naxdinta leh ayaa waxaan la ogyen sababta keentay inuu ninkaas uu sida xowliga ah uu ugu dhaco baalahaas iyadoona ay booliisku ay ku tilmaameen waxa dhacay mid aan la fahmi karin oo u baahan in si qoto dheer loo baaro ayagoo sidoo kalena sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan kaamirada ku xiran gudaha Taksiga bal si ay wax uga ogaadaan waxa ka dhacay gudaha Taksigaas ka hor inta uusan shilkaas dhacin, Sidoo kale ayey Booliisku sheegeen inay wareysan doonaan rakaabkii la socday Taksigaas marka ay wanaagsanaadaan oo xaaladoodu ay saamaxdo, Marxuumka geeriyooday ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa Aabe xaas iyo laba caruur ah leh. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada