daajis.com:- Wararka ka imaanaya degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa sheegaya in dad ka badan 10 qof lagu dilay weerar xalay saqdii dhexe lagu qaaday guri ay deganaayeen.
Wararki waxa ay sheegayaan in dadka la laayay aysan soomaali aheyn balse shaqaale ka ahaa deegaankaasi, dhalashadooda ayaa lagu sheegay Kenyati.
Dadka la beegsaday ayaa lagu soo warramayaa in ay ahaayeen kuwa dhagaxa ka jebiya dibedda magaalada.
Ma jirto weli cid sheegatay mas'uuliyada weerarka, balse xarakada Shabaab ayaa horay weerarro noocan ah uga fulisay Mandheera.
Bilooyin ka hor ayay ahayed markii dad sidan oo kale oo dhagaxa ka shaqeeya habeen madow la laayeen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:00 and have
, Published at