daajis.com:- Waxaa shalay iyo Daraad Magaalooyin katirsan Maamulka Puntiland ka dhacay Banaanbax balaaran oo looga soo horjeeday Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug oo hada dhismihiisu uu ka socdo Magaalada Cadaado.
Mid kamid ah Banaanbaxyada oo ka dhacay Magaalada Garawe waxaa lagu soo bandhigay Sawirada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo lagu dul qoray halku dhigyo aan habooneyn, waxaana la arkayay qaar kamid ah Shacabka Puntiland oo sawiradaasi kob ku garaacaya.
Kaartooniistaha Amin Caamir ayaa soo bandhigay Sawir uu ku muujinayo in aan loo dhameyn Banaanbixii ka dhacay Puntiland maadaama laga reebay Ra'izul Wasaaraha Soomaaliya oo isagu kasoo jeeda Deeggaanada Puntiland , loogana reebay qabyaalad darteed.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku tilmamaya fal laga xumaado qabyaalada Puntiland ka jirta iyo sida ay kabaha ugu garaaceen Sawirada Madaxda ugu sareysa Qaranka Soomaaliya, waxaana dadka qaarkood layaabeen sababta Cumar Cabdirashiid oo kamid ah madaxda ugu sareysa dalka looga reebay Madaxdii lagu dhaliilayay dibad baxyadaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:00 and have
, Published at