Daawo Sawirada:- Gulled & Qeybdiid oo kulankii ugu horeeyay isku arkay

Daawo Sawirada:- Gulled & Qeybdiid oo kulankii ugu horeeyay isku arkay

daajis.com:- Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in xarunta KMG ay kuwada kulmeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Gulled iyo Madaxweyihii hore ee Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Kulanka ayaa ahaa mid ay isku xog wareysanayeen labada Mas’uul waxaana sidoo kale madasha ku sugnaa Mas’uuliyiin kale oo u badnaa Xildhibaano ka tirsan BF Somalia iyo kan Cadaado.

Gulled iyo Qeybdiid ayaa si gaar ah u lafa guray arrimo ay kamid ahaayen amaanka guud ee gobolada dhaxe, qancinta beelaha wada dega G/Dhexe iyo sidii loo wajihi lahaa Magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug oo la filayo in dhawaan la soo Magacaabo.

Qeybdiid ayaa tallo u jeediyay Madaxweynaha cusub ee Galmudug, waxa uuna uga digay inuu naceyb iyo dhibaato ku kasbado waqtiga yar ee uu ku guda jiro dhismaha Maamulkiisa.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada