daajis.com:- Dalka Indonesia oo ah wadan ugu muslimiinta badan Dunida ayaa waxa ay iclaamiyeen in maalinta bari ah ay tahay Ciida.
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ayaa waxa uu qabtay shir jaraa'id, taasi uu ku sheegay in meelo badan laga arkay bisha. iyadoo sidoo kale ay sheegeen shaqaalaha Qeybta cilmul falaka ee Wasaaradda Diinta in darajada bisha ay aheyd 3,11 sidaasi darteedna la arki karo bisha shawaal.
Waxa uu sheegay Wasiirku in booska marka bisha ay cusubtahay sida marka la tixraaco qolooyinka la socday xisaabta iyo tirinta ee magaalada Palabuhan Ratu, Galbeedka JaVa. lasocoshada bilasha bisha cusub ayaa lagu ogaaday in uu ka sareeyo 3.11 darajo, masaafada u dhexeeysa Qoraxda iyo Dayaxana ay noqoneyso 5.7 darajo, sidaasi darteedna bishu ay da'deedu tahay 9-saacadood.
Qolooyinka lasocodka ayaa sheegay ugu yaraan natiijada laysku raacay ay sidaa tahay marka la eego wadama dhaca bariga Asia sida Indonesia, Malaysia, Brunei, iyo Singapore.
"Dhammaan ka qaybgalayaasha waxaan isku raacnay in caawa ay soo galayso 1-da bisha Shawwal," ayuu yiri Lukman oo ah wasiirka Wasaaradda Ariimaha Diinta.
Muslimiinta Wadanka Indonesia ayaa dhowr jeer oo hore ku kale gedisnaan jiray bilasha bisha Ramadaan iyo TAn Sahawaal, balse sanadkan ayaa ka kedisan sanadihii hore, iyadoo dhammaan umadda muslimiinta ah ee ku dhaqan wadanka Indonesia ay halmar wada soomeen iyadoo sidoo kalena bari halmar wada ciidaya.
Ururada muslimiinta ah ee ka jira wadanka indonesia ayaa sidoo kale dhamaantoo isku raacay in ay barito ku beegan tahay 1 bisha shawaal sidaasi darteedna ummada ay hal mar wada gudan doonto Salaada Ciidul Fitriga ah.
W/D : Abduladir Sheikh Omar Canjeex
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:18 and have
, Published at