Digreeto Madaxweyne oo lagu magacaabay xisaabiyaha guud ee Qaranka

Digreeto Madaxweyne oo lagu magacaabay xisaabiyaha guud ee Qaranka

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta digreeto ka soo baxday xafiiskiisa lagu magacaabay Xisaabiyaha guud ee Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, marii uu arkay Qodobka 87aad, farqadda 1aad Xaraf “C” iyo farqadda 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Markuu arkay Qodobka 90aad, Xarafka “K” ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Markuu Ogaaday: Baahida loo qabo dhameystirka dhisidda Hey’adaha Dowladda.

Markuu tixgeliyay: Aqoonta iyo waayo-aragnimada uu mudanaha xilkan loo magacaabay u leeyahay, Xisaabaadka Hey’adaha Dowladda oo uu muddo dheer ka soo shaqeynayay


Waxa uu soo saaray Madaxweynuhu xeerkan

Qodobka 1aad
Laga bilaabo marka uu Madaxweynuhu saxiixo Xeerkan, waxaa Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) loo magacaabay in uu noqdo Xisaabiyaha guud ee Qaran

Qodobka 2aad
Xisaabiyaha guud ee dowladda waxa uu mas’uul ka yahay si madaxbanaan Xisaabaadka hey’adaha dowladda iyo in uu la socdo qarashka Dowladda ay bixiso iyo ilaalinta wixii ah maal lacageed oo ah keydka Dowladda.

Qodobka 3aad
Wixii howlo, xuquuq iyo maamuus ah waxaa lagu dhaqayaa Xeerka Lr.11 ee 05/12/2006 ee shaqaalaha rayidka

Qodobka 4aad
Waxa uu xeerkan dhaqan gelayaa markii uu Madaxweynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabacayaa Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliyeed.

Digreetadan ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada