daajis.com:- Waxaa garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu qabtay Labo diyaaradood oo nooca dagaalka isla markaana laga leeyahay dalka Mareykanka, kuwaasi oo si deg deg ah oo ugu soo degay garoonka.
Sida uu inoo xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Dowladda Somalia, waxaa labadan diyaaradood soo wajahay shidaal yari, iyagoo doonayay in marka ay shidaal ku shubtaan kadib ay ka duulaan garoonka.us-air-mogadishu022
Hay’addaha qaabilsan duulimaadyada iyo laamaha amaanka ayaa ka hor istaagay in ay diyaaraddahan dib ugu duulaan garoonka, iyadoo markii danbe wada hadal kadib ay dib u laabteen.
Lama oga meesha ay ku socdeen labadan diyaaradood iyo ujeedadooda.
Tallaabadan ay Hay’addaha duulimaadka iyo amaanka qaabilsan ku hor istaageen in ay duulaan labadan diyaaradood ayaa lagu tilmaamay inay tahay tallaabo muhiim ah isla markaana ay muujineyso mas’uuliyadda iyo ka warqabka dalka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:48 and have
, Published at