AQRISO:- Sadex arin dartood oo ay Al-shabaab ugu biireyso ururka Daacish

AQRISO:- Sadex arin dartood oo ay Al-shabaab ugu biireyso ururka Daacish

daajis.com:- Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa waayadaanba lahaa shir ay kaga arinsanayaan ineey ku biiraan ururka Daacish ee ka dagaalama Syria iyo Ciraaq, kadib dalab kaga yimid hogaamiyaha ururkaas ee Abuubakar Al-bagdaadi.

Mid kamid ah saraakiisha sar sare ee Al-shabaab oo ka qeyb galaya shirka Jilib uga socda, ayaa Wakaalada wararka AFP u sheegay in madaxda sare ee ururka ay haatan gorfeeynayaan qaabkii ay ugu biiri lahaayeen ururka Daacish.

Sarkaal ayaa sheegay in ururka ay arintaan go’aan kama dambeys ah kasoo saari doonaan marka ay dhamaato Bishan barakaysan ee Ramadaan oo maalmo qura ay ka harsanyihiin.

Ururka Al-shabaab oo awal laga qabsaday deegaano badan oo bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya katirsan, ayaa Isbuucyadii lasoo dhaafay dib u qabsaday magaalooyin muhiim ah oo Gobolka Shabeelaha Hoose ka tirsan sida Qoryooleey, Awdheegle iyo Mubaarak.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka samaysa gudaha Dalka Kenya oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Sadex arrin oo Al-shabaab ku dooneyso ku biirista Daacish:

Waxaa jiro sababo muhiim ah oo Hogaanka ururka Al-shabaab ee Abuu Cubeyda Iyo Mahad Karataay ay ku doonayaan ineey ugu biiraan ururka Daacish, waxaana arrintaan ay soo jiitameysay mudo aad u fog, waxaana dhowr mar kusoo bandhigeen fadhiyada Golaha Shuurada ee ururka.

1-Deegaano badan oo Gacantooda ka baxay:

Tan iyo sanadkii 2011 waxaa sii xoogeeysanayay Jabka Al-shabaab kasoo gaaraya ciidamada AMISOM oo garab siinaya kuwa Dowlada Soomaaliya, sidoo kale ururka waxaa gacantiisa ka baxay deegaano istiraatiiji ah sida Magaalo Xeebeedka Kismaayo iyo Baraawe oo leh Deked0 Caalami ah, waxaana ururka kasoo gali jiray dhaqaale ay kusii wadaan dagaalada ay kula jiraan Dowlada iyo AMISOM.


Arintaas darteed ayaana sababtay in hoos u dhac xoogan uu ku yimaado ururka, sidoo kale waxaa hoos u dhacay ajaanibti kaga soo biireysay Caalamka maadaama uusan jirin dhaqaale soo gala.

2-Dhaqaalo Yari:

Kadib markii Ururka Gacantooda ka baxday magaalooyinka Kismaayo iyo Baraawe, waxaa soo wajahay dhaqaalo xumo baahsan, waxaana laga garan karaa hoos u dhaca ku yimid howlahooda Milatari iyo weerarada qaraxyada ay fulin jireen.

3-Hoos u dhac ku yimid taageeradii ay Al-Qacida ka heli jireen:

Tan iyo markii uu xukunka la wareegay hogaamiyaha cusub ee Al-shabaab Abuu Cubeyda, waxaa hoos u dhac uu ku yimid xiriirkii ururka kala dhaxeeyay Urur weynaha Al-Qacida oo dhinac dhaqaale farsamo iyo tababarba ka taageeri jiray.


Khilaafka soo kala dhex galay labada urur ayaana yimid is faham xumo soo kala dhex gashay Hogaamiyihii hore ee geeriyooday Ahmed Cabdi Godane iyo hogaanka Al-Qacida Ayman al-Zawahiri , sidoo kale waxaa sabab u ah khilaafka soo kala dhex galay ururka Al-shabaab dhexdooda.

Sidaas darteed ururka Al-shabaab ayaa fursad u arka ku biiristooda Daacish, maadaama ururka Daacish uu haatan leeyahay awood milatari iyo Mid dhaqaale, waana tan ay is leeyihiin waad kusoo ceshan kartaan awoodii hore ee ururka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada