daajis.com:- Hay’addda Nabad sugidda Qaranka ayaa Caawa faah faahin ka bixisay howgalladii ciidamada amniga gaar ahaan Ciidamada sida gaarka afGaashaan iyo Onkod ay kusoo gabo gabeeyeen howgallo ay ka fuliyeen Hoteelada Siyaad iyo Wehliye ee magaalada Muqdisho.
Saraakiisha ayaa ku soo waramay in maleeshiyaadka ka tirsan ururka Al Shabaab oo todobo nin gaaraya ay xilliga afurka weerar ku qaadeen Hotelka Wehliye, waxaana ciidamada Taliska NISA ee Gobolka Banaadir ee Onkod ay toogasho ku dileen dhamaan maleeshiyaadkii weerarkii ku qaaday Hotel Wehliye.
Sidoo kale waxaa saraakiisha Hay’adda Nabad sugidda Qaranka ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijisay in maleeshiyaadkii weerarka ku soo qaaday Hotelka Siyaad ay tiradoodu gaareysay shan nin, waxaana la soo warinayaa inay gabi ahaantoodii ku geeriyoodeen howlgalkii ciidamada onkod.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:00 and have
, Published at