Madaxweynaha Maraykanka Obama oo Kenya garaay

Madaxweynaha Maraykanka Obama oo Kenya garaay

daajis.com:- Wararka ka imanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa sheegaya in goor dhaw uu halkaa ka degay madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama oo siweyn looga sugayay guud ahaanba dalka Kenya.

Ammniga guud ahaan magaalada Nairobi ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ciidammo gaar u tababar oo ka yimid dalka Mareykanka, kuwaa oo ku hubeysan diyaarado dagaal iyo gadiid casri ah.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo Madaxweyne Mareykan ah uu ku tago Kenya, isagoo joogi doona saddex maalmood uu kaga Qayb-galayo Nairobi shir looga hadlayo Ganacsiga iyo hal-abuurka ganacsiga.

Wafdiga Madaxweynaha Kenya ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Jomo Kenyatta xubno uu ka mid yahay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Wasiirro, Xildhibaanno iyo Xubno sare oo ka tirsan Xukuumadda Kenya.


Maalmaha uu Obama joogo Nairobi ayaa lagu wadaa inuu sidoo kale kulammo la qaato Ayeeyadiis dhashay Aabbihii Sarah Obama iyo xubno kale oo Qoyskaas ka tirsan, taasoo noqonaysa inuu Qoyskii uu aabbihii kasoo jeeday la kulmo isagoo ah Madaxweynaha Mareyknaka.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada