Wariyaha ugu caansan TV-ga Aljazeera oo xukun Dil ah lagu Xukumay

Wariyaha ugu caansan TV-ga Aljazeera oo xukun Dil ah lagu Xukumay

daajis.com:- Maxkamada sare ee dalka Syria ayaa xukun dil ah ku riday Saxafiga caanka ah Dr. Feysal Qaasim.

Feysal Qaasim ayaa ka howlgala Telefeshinka Al-jazeera waxa uuna soo saara barnaamijka ”Itijaahul mucaakis” ee lagu lafa-guro Siyaasada Caalamka.

Dowlada Syria ayaa Saxafigaani caanka ah ku eedeeysay in uu yahay, Argagixiso ka shaqeeya kicinta shucuurta Carabta.

Saxafi Feysal Qaasim ayaa iska beri yeelay eedeymahan, waxuuna ku tilmaamay, waxba kama jiraan.

Feysal Qaasim ayaa inta badan doodihiisa Al-jazeera kusoo qaadan jiray Arrimaha ka taagan dalalka carabta gaar ahaan Syria, Liibiya iyo dhowr dal oo kale.


Waxaan la ogeyn go’aanka ay Dowlada Syria ka qaadan doonto xukunka lagu riday Feysal Qaasim.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada