Madaxweynaha xalay oo afur u sameeyay danjirayaasha dalalka Islaamka ee Muqdisho ku sugan (Sawirro)

Madaxweynaha xalay oo afur u sameeyay danjirayaasha dalalka Islaamka ee Muqdisho ku sugan (Sawirro)

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay aqalka Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho afur ugu sameeyay danjirayaasha dalalka Islaamka ee ku sugan dalka.

Madaxweynaha iyo danjirayaasha ayaa kulankaasi si kooban uga wada hadley xaaladda dalka Soomaaliya, mushkiladaha ka taagan dalalka Islaamka iyo guud ahaan arrimaha amniga caalamka.

Danjireyaasha ayaa soo dhoweeyay horumarka dhanka siyaasadda iyo nabadgelyo ee ay Soomaaliya ku tallaabsatey, iyagoo dhanka kale ballanqaadey inay talo iyo taageeraba la garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

Munaasabaddan afurka ayaa waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo mas’uuliyiin kale.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Safiiro badan oo caalamka, iyadoo Safiirada xaadirka ku ah magaalada ay ka mid yihiin Safiirada dalalka Turkiga, Yemen, Jabuuti, Imaaraadka, Iiraan iyo kuwa kale.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada