Mareykanka oo dib u furanaya safaaradiisii dalka Cuba

Mareykanka oo dib u furanaya safaaradiisii dalka Cuba

daajis.com:- Waddamada Maraykanka iyo Cuba ayaa ku heshiiyey inay safaraadahoodii dib uga furtaan caasimadaha Washington DC iyo Havana.


Madaxweynayaasha dalalkaasi ee Barack Obama iyo Raul Castro ayaa bishii December ku dhawaaqay inay dib u soo ceshtaan xiriirkoodii diblomaasiyada.

Obama ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Arbaca ah ku dhawaaqo taariikhda la furi doono safaaradahaasi. Waxaa laga yaabaa in ay noqoto bartmaha bisha July.

Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka waxaa looga baahanyahay in ay laba isbuuc oo digniin ah siiso aqalka sare ee baarlamaanka Maraykanka ka hor inta aan safaarad la furin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada