daajis.com:- Dowlada Mareykanka ayaa tijaabisay gantaalka Nukliyerka xambaara oo la casriyeeyey,waxaana tijaabadan cusub ay mar kale sare u qaaday Xiisada Siyaasdeed ee ka dhax aloosan Dowlada Mareykanka iyo Ruushka.
Gobolka Nevada oo katirsan Cariga Mareykanka ayaa lagu tijaabiyay gantaalka В61-12 ee qaada bambaanada Nukliyeerka, waxaana tijaabadan cusub ay qeyb ka tahay mashruuca casriyeynta Hubka Nukliyeerka Dalka Mareykanka.
Gantaalkan Cusub ee Xambaara Hubka Nukliyeerka ay tijaabisay Dowlada Mareykanka ayaa loogu tala galay in ay xambaarto diyaaradaha dagaalka nuuca F-15E fighter-bomber ay inta badan adeegsadaan Ciidamada Nato ee ku sugan Qaarada Yurub.
Dowlada Ruushka ayaa durba si adag uga hadashay tijaabada ay Dowlada Mareykanku sameesay, waxa ayna Dowlada ruushka tijaabadaasi ku tilmaantay in ay tahay mid daan daansi ah ay Dowlada Mareykanku ku dooneyso duulaan ka dhan ah Dowlada Ruushka.
Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Dalka Ruushka Md.Anatoly Antono, ayaa sheegay tijaabada ay Dowlada Mareykanka sameesay ay tahay mid daan danasi ah, waxa uuna inta araaciyay in tijaabadan ay markhaati ka tahay qorshaha Mareykanku kor ugu qaadayo hubkiisa Nukliyeerka gaar ahaan kan uu soo dhigay Wadamo kuyaala Yurub .
Tijaabada ay Dowlada Mareykanka ku sameesay gantaalka Nukliyerka xambaara ee la casriyeeyey ayaa imaaneysa xili xiisada Siyaasadeed ee ka dhax aloosan tahay gaashaan buurta NATO iyo Dowlada Ruushka , xiisadan ayaana ka dhalatay Duulaanka ay Ciidamada ruushka ku galeen qeybo kamid ah Dalka Ukrine.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:54 and have
, Published at