daajis.com:- Wararka ina soo gaaraya ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Kenya Qarax Miino lagula eegtay Deegaanka Lamu ee magaalo xeebeedka dalka Kenya.
Qaraxan ayaa la sheegay inuu dhacay kadib markiin gaari ay saarnaayeen Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya iyo dad shacab ah uu ku dhacay goob miino dhulka loogu sii aasay.
Riix dhexda (play button)
Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay qaraxaasi oo labo ka mid ah ay yihiin ciidanka Booliska dalka Kenya halka 5 qof ee kalena ay yihiin dad shacab ah oo gaariga ay isla saarnaayeen Booliska.
Saraakiil ka tirsan Booliska deegaanka lamu ayaa xaqiijiyay Khasaaraha ka dhashay qaraxaasi iyo in Askar ay ku dhinteen, waxaana la sheegay miinada loo dhigay Baabuurka inay aheyd mid lagu aasay wadada dhinaceeda oo Baabuurkaan lala eegtay xilli uu halkaasi maraayay.
Uruka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxaan, waxaana sheegeen inay qaraxaan ku dileen ilaa lix qof kuna dhaawaceen in intaa la’eg.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:41 and have
, Published at