Qarax gaari loogu xeray xubin ka tirsan hay'adda nabadsugida oo maanta ka dhacay Muqdisho+ SAWIRRO

Qarax gaari loogu xeray xubin ka tirsan hay'adda nabadsugida oo maanta ka dhacay Muqdisho+ SAWIRRO

daajis.com:- Sarkaal ka tirsan Hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa maanta qarax loogu xeray gaari uu watay, xili uu marayay degmada Xamar Jajab ayuu qarxay gaariga, halkaasina uu dhaawac halis ah uu kasoo gaaray, isagoo ku waayay mid ka mid ah lugahiisa.

Sarkaalkaan oo magaciisa lagu sheegay C/casiis C/qaadir Xabiib ayaa gaariga uu watay uu ahaa noociisa NOHA, waxaana Saraakiisha ay sheegeen in qaraxa Baabuurka loogu xiray, kadibna uu sidaasi ugu dhaawacmay, markii lagu qarxiyay.

Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fitaax Xalane ayaa sheegay in sarkaalkaasi uu ku dhaawacmay Qaraxa, waxaana magaciisa uu ku sheegay C/casiis C/qaadir Xabiib.


Qaraxyada noocaan ayaa ah kuwa inta badan si qarsoodi ah loogu xero dadka ay Al-Shabaab doonayaan inay beegsadaan, inkastoo mudooyinkan qaraxyada noocaan ah aysan magaalada ka dhicin.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada