Sirdoonka dalka Kenya oo sheegay inay ogaadeen arday dhigata Jaamacadda Nairobi oo mishaar ka qaata Al-Shabaab

Sirdoonka dalka Kenya oo sheegay inay ogaadeen arday dhigata Jaamacadda Nairobi oo mishaar ka qaata Al-Shabaab

daajis.com:- Waaxda booliska la dagaalama argagixisada ee dalka Kenya kuwaa oo loo yaqaan ATPU ayaa war ka yaabiyay dhagaha dadka Kenyanka ah ka yiri warbaahinta horteeda.

Madaxa waaxdan la dagaalanka Argagixisada ee dalka Kenya Isaac Ochieng ayaa sheegay in arday badan oo dhigata dugsiyada sare iyo Jaamacadd Nairobi la tashkiiliyay lagu beerayna fikirka xagjirnimada ah.

Isaac wuxuu kaloo intaa ku daray in laamahaooda daba galka ay hayaan magacyada ardayda bilaha mishaarka uga qaato Al-Shabaab ee dhigta Jaamacadda Nairobi. Lama sheegin hawsha ay Al-Shabaab u qabtaan ardayda ee ay mishaarka ku qaateen.


‘‘Waxaan haynaa xog sheegaysa in ardey dhigata Jaamacada Nairobi mushaar ka qaatan Alshabaab,waa arin laga naxo,’’ayuu sii raaciyaya madaxa la dagaalanka argagixiasdsa dalka Kenya Isaac Ochieng.

Hadalkan ayaa wal-wal galiyay waalidiin tirro badan oo ardaydooda ay wax ka bartaan dugsiyada sare iyo Jaamacadaha, Shabaab waxaa lagu eedayay in ay marin habaabiyaan ardayda waxbarata inta ugu dadaalka badan

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada