M/weynaha India oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 1-da July

M/weynaha India oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 1-da July

daajis.com:- Madaxweynaha dalka India Pranab Mukherjee ayaa maanta oo Talaado ah salaam u soo direy dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda xuska maalinta xoriyadda Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku began 1 July.

Dhambaalka hambaliyada ah oo uu y soo direy madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayuu madxweyne Mukherjee waxaa uu ku yiri” tani waxaa ay I siinaysaa faraxd aad u weyn,waxaan u hayaa salaan diiran iyo hambalyo shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya munaasabadda maalinta qaranka”.

Pranab MukherjeeMadaxweynaha India ayaa sheegay in dowladaha India iyo Soomaaliya ay ka dhaxeyso xiriir saaxiibtinimo oo qoto dheer.

Waxaa ku kalsoonahay in Soomaaliya ay sii wadi doonto horumarka dhanka nabadda,dhismaha hey’adaha dowliga iyo kaabiyaasha dhaqaalaha maalmaha soo socoda, waxaan rajeynayaa in uu sii socon doono wada shaqeynta labada dhinac taas oo ku salaysan danaha labada dowladood.

Isha warkan: business-standard

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada