Leego: Ciidanka Ethiopia oo la wareegay xeradii ay baneeyeen ciidanka..

Leego: Ciidanka Ethiopia oo la wareegay xeradii ay baneeyeen ciidanka..

daajis.com:- Ciidamada Dowladda Itoobiya oo ka tirsan Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa waxay si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaal culus oo Jimcihii ka dhacay deegaanka Leego, ayaa waxay Al Shabaab ku dishay in ka badan 70 ka tirsan Ciidanka Dowladda Burundi, oo qayb ka ah Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom.

Ciidamada Itoobiya, ayaa fariisimo ka sameystay Xeradii Amisom ee Leego, waxay kaloo fariisimo ka sameysteen meelaha ugu muhiimsan ee deegaankaasi laga galo, si ay kaga difaacaan Ururka Al Shabaab.


Inta badan shacabkii ku dhaqnaa deegaankaasi Leego, ayaa isaga cararay guryahooda, iyagoo ka baqdin qaba waxyeelo ka soo gaarta xiisadda u dhaxeysa labada dhinac.


Amisom, ayaa 20 askari ku weysay weerarka khasaaraha gaystay ee ka dhacay deegaankaasi Leego, taa oo noqotay hadalhaynta ugu badan toddobaadka.

Kun nin oo sida la sheegay ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa qaaday weerarkii Ciidamada Amisom looga saaray deegaanka Leego, inkastoo Al Shabaab aysan xaqiijin tirada fulisay weerarkaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada