daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Puntland ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyay xuska munaasabada 1-da luuliyo oo ku asteysan xilligii ay gobolada Koonfureed ka xaroobeen gumeystigii Talyaaniga iyo midowgii gobolada Waqooyi, isagoo khudbadiisa ugu hadlay xaalada Puntland iyo Somalia, gaar ahaan shirka Cadaado ee lagu dhisay Galmudug.
gaas-qardho-3Waxuu sheegay madaxweynahaPuntland inaysan cidna magan uga ahayn wax uu ku sheegay maamul gacan ku rimis ah oo dowladda federaalka xal u raadinayso, kaasoo uu ula jeedo maamulka ka dhismaya gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Halkaan ka Daawo Khudabada Gaas:
Halkaan ka Daawo Khudabada Gaas:
“Puntland nabadeedda iyo horumarkeeda midna gorgortan kala gelimayso maamul gacan ku rimis ah oo dowladda federaalka ah dabada ka riixayso, waana ku kalsoonahay in qof kasta oo Puntland ah uu nabad ku seexdo, kana daali mayno raadinta Soomaali midaysan,”ayuu yidhi.
Wuxuu soo hadal qaaday hadalkii Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Prof. JAwaari ee uu ku sheegay in baarlamaanka aqbali doonin maamulada aan dowladda aqoonsan oo uu ula jeeday Puntland, ayuu sheegay Gaas in Jawaari looga baahneyn aqoonsi, maadaama buu yiri Puntland ay ka horeysay Federaalka.
Sidoo kale,madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay arrimaha xadduuda ee maamulka Galmudug iyo Puntland oo u horay maamulka u sheegay inay tahay gobolka Nugaal,taasi inaysan dhici doonan haddii runta loo tago,sida uu sheegay Cabdiweli.
“Sida ay ku qorteen dastuur ku sheegooda, Waxay hada leeyihiin xuduudu waa Nugaal. markay runta tagto xuduudu waxay noqonaysa Godilabe iyo Guriceel,” ayuu yiri Gaas.
“Soomaalinimo, haddey nacfi iyo dhereg leedahay Xamar baa qaadatay, marka haddii ninkii dheefteeda haystay ka shaqeeyo dhimasheeda isagaa ugu dhereg badan una baahi badan” ayuu yiri Gaas oo intaaa raaciyay in hadii sidaan Soomaali kusii socoto ay kalefi doonto in la kala tago.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:01 and have
, Published at