VIDEO:- Ururka Al Shabaab oo Weerer Ku Qaaday Magaalada Mandhera ee Dalka Kenya

VIDEO:- Ururka Al Shabaab oo Weerer Ku Qaaday Magaalada Mandhera ee Dalka Kenya

daajis.com:- Kooxo lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Ururka Al shabaab ayaa waxay xalay weerar ku qaadeen guri ku yaala halka loo yaqaan Suuqa Xoolaha ee Degmada Mandheera, Weerarkani ayaa waxay kooxdani ku dileen in ka badan 10 qof.

Dadka la dilay ayaa ahaa kuwa dhegxaanta jebiya oo garab raratada ah kumana uusan jirin qof soomaali ahi, waxaa la soo warinayaa in dadka la laayay ay wada yihiin dadka kale ee dalka Kenya u dhashay.





Ka hor inta aanu weerarku dhicin, ayaa waxaa xalay habeenbarkii Degmada Mandheera laga maqlay laba qarax oo waaweyn, waxaana xigtay rasaas farabadan oo laga maqlayay dhanka Suuqa Xoolaha.

Dadkani la laayay ayaa ahaa kuwa keliya ee ka jebiya dhegxaanta Degmada Mandheera, Dhegxaantaasi ayaa ah kuwa qura ee dhismooyinka looga sameeyo Degmadaasi.

Ciidanka Booliska Kenya oo goor dambe gaaray halka uu weerarku ka dhacay, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay weli ku sugan yihiin goobta. Lamana soo sheegin cida ay weerarkaasi u soo qab-qabteen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada