daajis.com:- Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somalilamd ayaa sheegaya in saakay jawiga magalaadaasi uu aad uga duwan yahay sidii hore , waxaana qeybo badan oo Magaalada lagu arkayaa ciidamo tiro badan oo lagu soo daadiyay.
Ciidamo katirsan booliiska Somaliland ayaa xoog ku galay lana wareegay Xarunta Dhaxe ee Xisbiga Mucaaridka ee Wadani, waxaana xaruntaasi la wareegay iskuna gadaamay Ciidamada amaanka kuwaa oo sidoo kale xarunta ka xiray Masuuliyiin xisbigaasi katirsan sida aan Wararka ku heleyno.
Wararka aan sidoo kale Hargeysa ka heleyno ayaa sheegaya in ciidamada booliiska Somaliland ay la waeegeen Hotelka Dalxiis a, Hotelkan ayaa la sheegay in ay ku balansanayaeen in ay kulan ku qaataan Xisbiyada Mucaaradka ku ah Xukuumada Siilaanyo.
Ciidamo booliis aad u tiro badan ayaa sidoo kale lasoo dhigay wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa Madaxtooyada Somaliland, Ciidamada ayaa sidoo kale lagu arkayaa qeybo kamid ah Magaalada iyaga oo dadka iyo gaadiidka wadooyinka qaar u diidaya in ay maraan.
Xaalada Magaalada Hargeysa ayaana ah mid aad u kacsan, waxaana Magaalada ka jira jawi ka badalan kii horey looga bartay, waxaana arimahan oo dhami imaanayaan xili ay Mucaaradka Somaliland ay iclaamiyeen in ay qabanayaan shir looga tashanayo aayaha Somaliland.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:30 and have
, Published at