daajis.com:- Ciidamada booliiska Dalka Talyaaniga ayaa xabsiga dhigay labo nin oo la sheegay in ay katirsanaayeen Taageerayaasha Kooxda Islaamiga ee Daacish, waxaana ragan la xiray lagu eedeeyay in ay qorsheenayeen weeraro ka dhaca Dalka Talyaaniga.
Labadan Nin ee Xabsiga la dhigay ee lagu eedeeyay in ay xariir la leeyihiin Kooxda Daacish ayaa lagu kala magacaabaa Briki Lassaad oo 35-jir Tunuusiyaan ah iyo Waqas Muhammad, oo 27-sano jir kasoo jeeda Dalka Pakistan.
.
Waxaa kagu eedeeyay labadan nin in ay Baraha bulshada kuwada xariirto gaar ahaan Twitterka ay ku baahiyeen Sawiro ay ku muujiyeen astaanta Kooxda Daacish iyo fariimo lagu qoray ,waxaa sidoo kale loo heestaa baahinta hanjabaadyo la xariira in ay weerar ku qaadayaan Xarumaha loo dalxiiso ee kuyaala Dalka Talyaaniga iyo saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada Milatariga Talyaaniga.
Dowlada Talyaaniga ayaa wada howlgalo ay uga hortageyso in dalkaasi ay weeraro ka geestaan xubno katirsan Ururka Daacish, waxaana marar kala duwan dalkaasi lagu xir xiray dad la tuhmayo in ay xariir la leeyihiin Kooxaha Islaamiga.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:30 and have
, Published at