Best Show: Farxiyo Kabayare oo Show Casri ah ku qabatay Minneapolis oo si qurux badan oo Farxad ku jirto +VIDEO

Best Show: Farxiyo Kabayare oo Show Casri ah ku qabatay Minneapolis oo si qurux badan oo Farxad ku jirto +VIDEO

daajis.com:- Fanaanada Caanka baxday ee Soomaaliyeed isla markaana lagu tilmaamo in ay hurmuud u tahay fanka casriga ah ee soo hanaqaadaya Waa tuma Waa Farxiyo Kabayare oo lagu yaqaano in aysan iskala weynaanin taageerayaasheeda iyo dadka Soomaaliyeed iyadoo mar walba ku qaabisha Weji farxad leh oo dhoolacadeyn qurux badan lagu daray.

Fanaanadani Codka Halaasiga leh ayaa ogolaatay codsi loo diray kaasi oo ahayd in Shacabka Soomaaliyeed iyo Caruurtaba ay maalinta Ciidka maalinta xigta ay kula ciido Goob Barxad ah oo si weyn loo qaabeeyey oo ku taala Degaanka CEDER ee Magaalada Minneapolis halkaasi oo fursado ay u heleen hooyooyin Soomaaliyeed oo baahi badan u qabay Fanka ay xambaarsan tahay Fanaanadani oo fankeeda ay Soomaalida oo dhan wada gaartay.

Farxiyada Kabayare oo marqura sidii dayaxii oo kale ka soo dhex baxday Raxan Fanaaniin ah ayaa saaxada fanka ku soo kordhisay Libis Qurux badan iyo Style loogu daydo.

Hadaba halkani ka daawo Video.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada