Barre Hiiraale Oo Si Cajiib Ah Uga Hadlay Qabashada Degmada Baardheere

Barre Hiiraale Oo Si Cajiib Ah Uga Hadlay Qabashada Degmada Baardheere

daajis.com:- Korneel Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa si lama filaan ah uga hadlay qabashada degmada Baardheere ee gobalka Gedo, isaga oo meesha ka saaray in ciidamada Jubbaland ay dagaalkaasi kaalin ka qaateen.

Korneelka ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobalka Gedo iyo kuwa AMISOM ay qabteen degmadaasi, islamarkaana shacabkooda ay xureeyeen.

Waxa uu sheegay Hiiraale in shacabka Baardheere ay ahaayeen kuwo muddo aad u badan ku dhibanaa halkaasi, islamarkaana maanta ay yihiin kuwo helay neecaaw wanaagsan.

“Shacabka degmada Baardheere in la xureeyo waa ay u baahnaayeen, maxaa yeelay Lix Sano ka badan ayeey xaalad adag ku jireen, hadana ciidankooda ayaa xureeyay, waxaan la yaabanahay dadka leh Ciidanka Raaskambooni ayaa dadkaan u gurmaday, war Raaskambooni Kismaayo ma dhaafsana” ayuu yiri Hiiraale.

Ciidamada Huwanta ayaa ku guuleystay in ay la wareegaan gacan ku haynta degmada Baardheere ee Gedo, waxaana halkaasi muddo joogay Maleeshiyaadka Al-shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada