daajis.com:-Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyay golaha wasiirada ee uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.
Golaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ansixiyay Xukuumadda Madaxweyne Cabdikariin xuseen Kaddib markii Wasiirka Madaxtooyada Mamulkaas baarlamaanka uu ka hor Akhriyay Qorshaha xukuumadd ay ku Howlgali doonto.
Fdhiga baarlamaanka Galmudug oo ahaa 69 mudane ayaa waxaa HAA ku codeeyay 66 Xildhibaan halka sadex kale oo kala ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad gobolleedka Galmudug iyo labadiisa kuxigeenna aysan codkooda dhiiban.
Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo meelmarinta Wasiirrada kaddib ayaa xildhibaanada la hadlay isagoo ugu mahad celiyay Xildhibaannada Baarlamaanka galmudug sida ay Howshooda u wataan isagoo ka codsaday Wasiirrada la Ansixiyayna in ay la yimaadan Shaqo la jeclaado.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 23:00 and have



