daajis.com:- Banaanbax looga soo horjeedo xil ka qaadista lagu sameeyay Maamulka Gobolka Gedo iyo Ciidamada Itoobiya, ayaa maalintii labaad waxa uu ka dhacay Magaalada Garbahaarey ee Gobolkaasi Gedo.
Banaanbixii maanta, ayaa wax badan ka duwanaa midkii shalay, iyadoo kii maanta ay isugu soo baxayn dad lagu sheegay kumanaan qof, kuwaa oo si weyn kaga careysan xil ka qaadista lagu sameeyay Maamulka Gobolka.
Odayaasha Dhaqanka oo horboodaayay banaanbaxayaasha, ayaa ku qaylinaayay ereyo ka dhan ah Maamulka Jubbaland iyo Ciidamada Itoobiya, oo qayb ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.
Boosteeyo Daahir Aadan oo ka mid ah dadkii isugu soo baxay banaanbaxaasi, ayaa waxay si kulul Ciidamada Itoobiya ugu eedeysay in iyagu ay yihiin kuwa Maamulka Jubbaland ka caawinaaya in la bahdilo Maamulka Gedo.
C/laahi Sheekh Faarax oo sidoo kale ka mid ahaa banaanbaxayaasha, ayaa sheegay in si xun loola dhaqmay Madaxda Gobolka Gedo, isagoo dhanka kalana ku baaqay in la soo celiyo Maamulkii Gobolka ka jiray.
Dadka reer Garbahaarey, ayaa waxay sheegeen inaysan marnaba taageersanayn Maamulka Jubbaland, iyagoona ku sheegay inay u arkaan mid aan ku imaan rabitaanka dadka deegaanka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:04 and have
, Published at