AMISOM oo ogolaatay ineey magdhow ka bixiso dhacdadii Marka

AMISOM oo ogolaatay ineey magdhow ka bixiso dhacdadii Marka

daajis.com:- Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, oo ah madaxa gudiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in kullan ay la qaateen saraakiil ka socotay Ciidamada AMISOM, ay kala hadleen xadgudubyada ciidamada AMISOM ee ka dhanka ah shacabka.

Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Shaaciyay in dib loo eegayo dhibaatooyinka ay Ciidamada AMISOM ka geysteen Somalia wixii ka dambeeyay Sannadka 2011-kii oo ay socdeen howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

_84902439_gettyimages-88032128Xuseen Carab ayaa sheegay in dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ay ciidanka AMISOM ka geysteen degmada Marka ay si gaar ah diiradda u saareen, isla markaana la magacaabay guddi baartaan dhab ah ku sameeyay dhacdadaas.

“Ciidanka AMISOM diyaar ayay u yihiin wax walba oo ku cadaada inay Magdhaw ay bixiso,” ayuu yiri xildhibaan Xuseen Carab oo intaas ku daray in Magaalada Marko uusan ka jirin maamul dowladeed, ayna tahay in maamulka la hagaajiiyo.

“Tacadiyadii ay AMISOM ka geysatay dalka wixii ka dambeeyay wixii sannadkii 2011-kii ka dambeeyay dib ayaa loo eegayaa. Wixii ku cadaadana Mag-dhow ayay ka bixin doonaan, mar walbana waxaa jiri doona isla xisaabtan” ayuu ku datay xildhibaan Ciise.

Waxaa xusid mudan in Taliska AMISOM aysan wali ka hadlin ineey Magdhow ka dhiibi doonaan xasuuqa ay ciidamada AMISOM isbuucyo kahor ka geysteen deegaano katirsan Koofurta Soomaaliya, sida Marka iyo Halgan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada