Halgan oo gashay gacanta Al-shabaab

Halgan oo gashay gacanta Al-shabaab

daajis.com:- Bixitaanka ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka kala socda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayay odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ku tilmaameen wax aad looga xumaado.

Afhayeenka odayaasha dhaqanka ee la socda ciidanka AMISOM iyo kuwo dowladda ee ka soo baxay tuulada Halgan Faarax Cabdi Waare oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ay tallaabadaasi aad ugu xumaadeen ayna dadaal dheer u galeen sidii ciidankaasi ay ugu dhaadhicilahayeen in ay tuuladaasi sii joogaan ayna sugaan amniga dadka ku nool tuulada.

Afhayeenka ayaa sheegay in uusan weli si rasmi ah u oggeyn sababta keentay in ciidanku uu ka baxo tuuladaasi balse VOA u sheegay in taliska ciidanku uu ku wargeliyey in amar lagu siiyey in ay tuuladaasi ka soo baxaan.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay tuuladaasi tageen saacaddo kaddib markii ciidanku uu ka soo baxay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada