Maxkamada sare ee dalka oo loo gudbiyay Mooshinka ka dhanka ah M/weynaha

Maxkamada sare ee dalka oo loo gudbiyay Mooshinka ka dhanka ah M/weynaha

daajis.com:- Maxkamadda Sare Dalka, ayaa waxay soo dhaweysay Mooshinkaasi oo ay u soo gudbiyen 93 ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, oo ku saxiixan Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya inay korortay tirada Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ee Mooshinka ka keentay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, inkastoo toddobaadkii hore ay Mooshinkaasi saxiixeen 93 xubnood oo keliya.

C/laahi Jaamac Xuseen oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Somaliya, oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa shaaca ka qaaday in Mooshinka ay maanta u gudbiyen Maxkamadda Sare Dalka.

1200x-1Mudanahan, ayaa sidoo kale sheegay in Gudoomiyaha Maxkamadda Sare uu ka aqbalay Mooshinkaasi, isla-markaana uu caawa Mooshinka yaalo Xarunta Maxkamadda Sare, sida uu yiri.

Xildhibaan C/laahi Jaamac Xuseen, ayaa ku waramaaya maadaama aynaan dalka ka jirin Maxkamad Dastuuri ah, uu Dastuurku cadaynaayo in Maxkamadda Sare Dalka ay buuxinayso booskaasi.


Mooshinkan, ayaa durbaba dhaliyay xiisad siyaasadeed oo si weyn looga dareemay Magaalada Muqdisho, waxaana waxyaabaha lagu soo eedeeyay Madaxweynaha ka mid ah ku xadgudub ka dhan ah Dastuurka, xoriyada Muwaadinka iyo musuq maasuq hantida Qaranka ah.

Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xasan, ayaa ah mid ay Xildhibaanada ku dalbanayan xil ka qaadis Madaxweyne, wuxuuse Madaxweynuhu ka digay in Mooshinkan uu dib u dhac ku keeno dalka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada