DAAWO: Gurigii Al Shabaab ay Qaraxyada ku Diyaarin jireen oo Maanta La Galay (VIDEO)

DAAWO: Gurigii Al Shabaab ay Qaraxyada ku Diyaarin jireen oo Maanta La Galay (VIDEO)

daajis.com:- Ciidamada Booliska ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo maanta hawlgal ka fuliyay Magaalada Muqdisho ayaa waxay soo qab-qabteen Dhalinyaro guri ku diyaarinaysay walxaha qarxa.

Gurigan oo ku yaala Degmada Yaaqshiid ayaa waxaa lagu soo qabtay laba nin iyo qof dumar ah, kuwaas oo loo malaynayo inay xiriir la lee yihiin Ururka Al Shabaab, waxaana Gurigani laga helay waxyaabaha qarxa iyo bistoolado la sheegay in loo isticmaali jiray dadka lagu qaarijiyo.


Taliye Ku Xigeenka Booliska Soomaaliya, General Mukhtaar Xuseen Afrax oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in hawlgalka  laga sameeyay Degmada Yaaqshiid ay ugu suurta gashay inay ku soo qabtaan saddexdaasi qof.
Hoose ka Daawo


Taliye Ku Xigeenka, ayaa sheegay inay in muddo ahba ku daba jooggeen gurigaasi, ugu dambeena ay ku guuleysteen inay soo qabtaan dadkii diyaarinjiray qaraxyada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada