daajis.com:- Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa maanta xarunta madaxtooyada kula kulmey wafdi ka socdey Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Dibedda ee Baarlamanka dalka Kenya, oo shalay booqasho ku soo gaaray Caasimadda Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey xildhibaanadan Kenya, booqashada ay ku yimaadeen dalka, oo uu sheegay inay muhiim u tahay xoojinta iskaashiga labada dal.
Hoose ka Daawo
“Soomaaliya iyo Kenya waa deris uu xiriir wanaagsan ka dhexeeyo. Taariikhda cusub ee Soomaaliya ee qormeysa, Kenya qeyb ayay ka tahay. Kenya waxay soo dhoweysey kumanaan Soomaali ah, oo xitaa ganacsio waaweyn ku leh magaalada Nairobi iyo meelo kale oo Kenya ka mid ah.
Waxaana intaasi dheer in Kenya ay ka mid noqotey waddamada wiilashooda iyo gabdhahooda u soo direy Soomaaliya si ay nabad uga dhaliyaan. Waxaana filayaa in iskaashiga labadeena dal uu intan ka sii xoogeysto’’, ayuu yiri Madaxweynaha oo la hadlayey xubnaha wafdiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale wafdiga u sheegay in Soomaaliya ay gacmo furan ku soo dhoweyneyso maalgashiga ganacsatada Kenya, dowladda Soomaaliyana ay u fududeyn doonto sidii arintaasi loo suuragelin lahaa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 01:30 and have
