Daawo:- Koox xariir la leh Daacish oo qoorta ka jartay nin u dhashay Dalka Croatia

Daawo:- Koox xariir la leh Daacish oo qoorta ka jartay nin u dhashay Dalka Croatia

daajis.com:- Koox xiriir la leh Daacish oo ka aas aasan dalka Masar ayaa baahisay Muuqaal muujinaya iyaga oo qoorta ka jaraya muwaadin u dhashay Dalka Croatia oo gacanta ugu jiray Kooxdaasi.

Muuqaalka ay soo bandhigeen kooxda Daacish ayaa lagu baahiyay baraha Internetka, waxaana Muuqaalka ka muuqday Tomislav Salopek, oo qoorta laga jaray kadibna la dhigay goob uu ka ba’banayo calanka Daacish.

Kooxdan katirsan Daacish ayaa ninkan u dhashay Dalka Croatia waxa ay ka afduubteen bishii hore ee July meel ku dhaw Magaalada Qaahira, waxa ayna kooxdan dhawaan dalbatay in lasii daayo haween Muslimiin ah oo u xiran Dowlada Masar si iyana usii daayaan maxbuuskan.
Halkaan ka Daawo Muuqaal ahaan

Dalka Masar ayaa kamid noqday goobaha ay ka howlagalaan dagaalyahanada Daacish, waxaana mar sii horeesay dagaalyahano horey uga tirsanaa Al-Qaacida oo ka dagaalamayay dalka Masar ay shaaciyeen in ay ku biireen Kooxda Daacish ee ku xoogan dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

Hoose ka Daawo


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada