daajis.com:- Wiilal Soomaaliyeed ayaa noqday kuwii ugu horeeyay ee tahriib nooc cusub ah ku galay dalka Kanada, kaddib markii ay ka gudbeen xuduuda u dhaxeysa dalalka Kanada Mareykanka.
Mid ka mid ah labada wiil oo u waramayay BBC-da ayaa ka sheekeeyay qaabkii ay ku galeen dalka Kanada iyo waxyaabihii ku dhaliyay inay ka tagaan dalka Mareykanka oo markoodii hore ay ku sugnaayeen.
Wiilkaan oo lagu magacaabo Yaxye Jaamac Samatar ayaa sheegay in isaga iyo wiil kale oo aanu magaciisa sheegin ay go’aansadeen inay isaga tagaan dalka Mareykanka oo ay galaan dalka deriska la ah ee Kanada.
“Dabaal ayaan ku galay dalka Kanada, kaddib markii webiga ku yaala xadka aan hal habeen ku jiray anigoo markii waagu beryay dabaal uga gudbay webiga” ayuu yiri Yaxye Jaamac oo sheegay in wiilkii la socday ay kala lumeen.
Yaxye waxa uu sheegay in dabayaaqadii sanadkii hore uu tegay dalka Mareykanka, isla markaana loo diiday in sharciga dalkaas la siiyo, isagoona sheegay in la xiray kaddibna markii la soo daayay yuu go’aansaday inuu dalkaasi isaga tago, bacdamaa aan ka baqay in dalkeyga dib la igu celiyo iyadoo ay weli taagan tahay dhibaatadii aan uga soo cararay.
“Markii aan galay dalka Kanada waxaa la i geeyay meel ay degan yihiin dadka qaxootiga ah, waxaana rajeynayaa in marka sharciga dalkaas la i siiyo aan halkeyga ku noolaanayo”
Labada wiil oo xilli habeen ah isku dayay inay ka gudbaan webiga u dhaxeeya dalalka Kanada iyo Mareykanka ayaa midkood gudbay, halka Yaxyena dib uga laabtay kaddib markii uu ka baqay khatar uga timaada biyaha webiga oo xowli ku socday xilliguna habeen ahaa, isagoo habeenkii ku baryay webiga jiinkiisa.
Tahriibkaan nooca cusub ah ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay shacabka Soomaaliyeed oo baraha bulshada isku dhaafsanayay fikrado kala duwan isla markaana sheegay in tahriibkaan ahi uu yahay mid nooc cusub ah oo aan weli horay loo arag.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:30 and have
, Published at